Waxannu si lacagla’aan ah oo natiijo leh kaaga caawin karnaa xagga garsoorka annaga oo maanta ku faraxsan in aqoonyahanadayada garsoorku ilaa hadda boqollaal qof ka caawiyeen gaadhista go’aan sax ah. Annaga waxa noo muhim ah in xuquuqdaada la xaqiijiyo oo go’aan lagaaga gaadho si sharciga waafaqsan.
Khibradda aannu u leennahay darteed sharciyada uu ka mid yahay sharciga (1993:387) oo ku saabsan kaalmaynta iyo adeegga qaar ka mid ah dadka laxaadkoodu kala dimanyahay (LSS), qaanuunkaas oo habaynaya mudashada kalkaaliye gaarka ah waxannu kaa caawin karnaa:
Codsiga
HadiCare AB way kuu fududaynaysaa arrimahan:Codsiga ugu horrayba waxannu kaa caawinaynnaa xuquuqda aad leedahay ee ku saabsan kalkaalinta gaarka ah. In aad samysid codsi buuxa oo ku dhisan in la isu keeno wax kasta oo loo baahanyahay lana daraaseeyo sharciyada iyo hannaanka cusub ma aha arrin fudud haddii aan aqoon loo lahayn sharciyada kala duwan, taas oo xillidheer qaadan karta keenina karta in go’aan khaldan lagaa gaadho. Aqoonta aannu u leennahay arrimahani waxay noo fududaynaysaa in aannu kaa caawin karno geeddisocodka codsiga si codsigaagu u noqdo mid si sax ah loo qaabeeyey.

Dib u fiirin mise ka cabasho
Ma waxay kuula muuqataa in aad heshay go’aan khaldan? Hadday sidaasi jirto annagoo ka duulaynna mudnaanta aannu leenahay waxannu kaa caawin karnaa in wakaaladda caymiska bulshadu (försäkringskassan) go’aankeeda assaasiga ah dib u fiiriso iyo in aad cabasho ka muujisid go’aanka wakaaladdaa iyo degmada go’aanka degmada ee ku saabsan mushaharka kalkaaliyaha oo aad anbil uga qaadatid maxkamadda maamulka (förvaltningsrätten). Waxa kale oo dhacda in anbiil laga qaato xukunka maxkamadda maamulka oo loo gudbiyo maxkamadda sare ee maamulka (kammarrätten) ama in sidoo kale xukunka maxkamadda sare ee maamulka anbiil looga qaato maxkamadda ugu sarraysa ee maaulka (högsta förvaltningsdomstolen) xilligaas oo loo baahan karo codsi loo qoro rafcaanka. Dacwaddaasi waxay ku saabsanaan kartaa in aadan helin saacadihii laga yaabo in aad xaq u lahayd ee kalkaalinta ama in laguu diidey kalkaalintii oo lagu saleeyey assaas khaldan marka loo eego qaanuunka LSS. Annaga noo soo gudbi oo noo daa in aannu qabanno arrinka aannu ku wanaagsannahay.