Dib u habaynta kalkaalinta
Kalkaalinta gaarka ahi waxay ku salaysantahay dib u habayn lagu sameeyey Sverige 1994. Kalkaalinta gaarka ahi waa arrin qaayo badan iyo aragti cusub oo ka turjumaysa in la oqoonsaday doorka qofka laxaadkiisu aanu buuxin iyo xuquuqdiisa. Taas waxa dheer in kalkaalinta loo arkay xaq uu leeyahay loo-adeeguhu iyo inay tahay kaalmo ku wajahan isla markaasna uu ku tasarrufayo loo-adeegaha laftiisu. Taas oo looga jeedo in si dhammaystiran loo-adeeguhu u leeyahay doorasho buuxda oo aaney kaalmadu gacanta ugu jirin goob shaqo ama hey’ad bulsho balse uu guud ahaan tasarrufkeeda leeyahay qofka ay qusaysaa.

Mudashada kalkaalin gaar ah
Cidda mudan kalkaalin gaar ah waxa habaynaya qaanuunka ku saabsan kaalmada iyo adeega ku wajahan dadka laxaadkoodu kala dhimanyahay qaarkood ee LSS. Kalkaalin gaar ah waxa aad mudantahay (xaq u leedahay) haddii:

- Koritaankaaga garaad-aahneed hakaday oo aanu dhammaystirmin, haddii aad qabtid autism, ama aad ku jirtid xaalad u dhiganta autism ama;
- Hibadaada maskaxeed hoosayso taas oo sababteedu tahay dhaawac maskaxda gaadhey qaangaadhka ka dib, dhaawacaas oo ku yimi dagaal, hagardaamo iwm cid kale geysatey ama cudur keenay, ama;
- Ay jiraan waxyaabo kale oo si joogto ah u kala dhimay laxaadkaaga maskaxda ama jidhka oo aanu keenin gabow caadi ah, waxyaabahaas oo si wayn u adkaynaya nololmaaleedkaaga sidaas darteedna si wayn kuugu baahigelinaya in aad heshid kaalmo ama adeeg.
Qofkii buuxiya shuruuda kor ku qorani wuxu codsan karaa kalkaalin gaar.