Marka aannu la kulano macmiil cusub waxannu samaynnaa sidan hoos ku qoran si aannu kuu baranno kuuna caawin karno sida ugu habboon ee aan karno:
Na soo wac si aannu kuula kulanno
Soo wac teleefanka 040 – 97 91 59 ama mail u soo dir kontakt@hadicare.com si aynnu uga ballanno booqasho annu kuugu nimaadno ama aad noogu timaadid xafiiska shirkadda kulan aan shuruudi ku xidhnayn oo aynnu kaga wada hadlaynno baahidaada iyo wixii aannu kuu qaban karno.

Codsi cusub
Haddii aad na siisid kalsoonidaada waxannu kaa caawinaynnaa codsiga kalkaaliye gaar ah (personlig assistans). Taas oo ku xidhan inta aad doonaysid in aad adigu ku lug-yeelatid geeddisocodka arrinkaaga waxannu kaaa caawinaynnaa:

- Diyaarinta waxyaabaha caddaynaya baahidaada.
- Isku dubbaridka qodobbada loo baahan yahay si wakaaladda caymiska bulshada (Försäkringskassan) ama degmadaadu u sameeyaan baadhitaan buuxa oo aan kaa dhan ahayn (baadhitaan kula jira).
- Xidhiidhka hey’adaha dowladda iyo haddii loo baahdo looyar (sharciyaqaan aannu kuu qaqbanno) kaas oo la xidhiidha codsiga.
Arrimahaasi waxay ku xidhanyihiin baahidaada iyo rabitaankaaga.
Ka soobeddelashada shirkad kale
Haddaad maanta macmiil u tahay cid kale rabtidna in aad u soo wareegtid HadiCare waxannu si buuxda kaaga caawinaynnaa wixii loo baahanyahay si aad noogu soo wareegtid.

Haddii codsiga la ogolaado
Waxannu kaa caawinaynnaa shaqaalaha iyadoo aan ka duulaynno rabitaankaaga iyo baahidaada. Waxannu maammulaynnaa arrimaha dhaqaalaha iyo dhammaan maamulka shaqaalaha.

La dedaalis iyo caawinaad kale
Dadka macaamiisha hadda noo ah waxannu u fidinnaa tilmaamis iyo caawin ku saabsan la deedaalis iyo kaalmayn sida tusaale ahaan kaalmada dhaqaale ee qofka laxaadkiisu aanu buuxin, kaalmada daryeelaha (kaalmo dhaqaale oo loo fidiyo waalidiinta haya ilmo naafo ah oo da’diisu ka hooseeyo 16 sano) iyo taageerada gaadhiga.