Waa nala citiraafsanyahay
Shirkadda HadiCare AB waxa citiraafsan oo ay ka diiwaangashantahay wakaaladda arrimaha bulshda IVO (hore loo yaqaanney Socialstyrelsen).

Xilliga kalaguurka
Haddii aan ka soo qaadno in aadan nagu qancin waxa kuu suurogal ah in aad u wareegtid ciddii kale ee aad jeceshahay. Waxa noo deggan xilli kalaguur oo sedex bilood ah.

Diiwaangelin
Dhacdo kasta oo muhim ah kuna saabsan loo-adeegaha waxnnu gelinnaa nadaamka diiwaangelinta dhacdo-maalmeedka.

Dammaanad
Haddaannu nahay shirkadda HadiCare AB waxannu leenahay dammaanad noo gaar ah oo ku wajahan macaamiishayada iyo shaqaalahayagaba, taas oo ah; In aannu markastaba shaqada ku saabsan kalkaalintaada u gudanno sida kuugu habboon ee noo suuragal ah.

Booqasho guri
Baaxadda shirkadda HadiCare AB waxay gaadhsiisantahay dacallada Sverige waxana aannu aad u qiimaynaynnaa in aannu xidhiidh shakhsi ah (toos ah) la yeelanno loo-adeegayaasha iyo shaqaalahayaga. Waxannu rabnaa in aannu si gaar ah kuula kulanno meel kasta oo aad deggantahayba, ha ahaato Sollefteå ama Smygehuk.

Awood xirfadeed leh
Shaqaalahayagu waxay xirfad iyo khibrad u leeyihiin dhinacyo kala duwan. Waxannu kale oo leenahay khibrad ku dhisan dhaqammo kala duwan iyo aqoon bulsho oo noo fududsynaya in aannu ku dhawrro oo kugula dhaqanno rabitaankaaga.

U dhowaansho
HadiCare AB waxay ka shaqagashaa dhammaan dalka Sverige waxana aannu gelinnaa awood badan in aannu u dhowaanno macaamiishayada. Inkasta oo xafiiskayaga wayni ku yaallo magaalada Malmö waannu kuu dhownahay mar walba aad joogtid Boden ama Brösarp. Adiguna haddaad loo-adeege noo tahay waxannu marwalba kuu damaana-qaadaynnaa mucaamalo gaar ah.

Kala duwanaan dhaqan
Kala duwanaanta dhaqanka ka jirta xafiiskayaga gudihiisa iyo debeddiisaba waxannu siinaynnaa mudnaan gaar ah iyo dhiirrigelin. Taasina waa qaab aannu u qiimaynnaynno oo dhiirrigelinaynno ikhtiraaca iyo feker-cusboonaysiinta ku qarsoon ruux kasta oo dadka ka mid ah.

Maad leh
Haddaannu nahay HadiCare AB waxannu shaqadayada siinaynnaa muhimmaddeeda iyo masuuliyaddeeda oo ay ku dheehantahay tixgelin badani. Sidaas oo ay tahay haddana marwalba waxannu meel u haynnaa qosol, maadeyn iyo qalbiddiirranaan aannaan ku kala bakhaylayn.

Aqoon luqadeed
Dadka nala sheqeeya waxa laga helayaa aqoon-afeed oo balaadhan. Ka sokow luqadaha ingriiska, jarmalka, iyo in yar oo dhanish ah waxannu ku hadallaa luqaddaha bosniga, korowatiga, carabiga iyo isbanishka.

Helitaankayaga
Xilliga shaqada waxad xidhiidh toos ah la samayn kartaa badiba shaqaalahayaga. Xilliga shaqada ka dib waxad wici kartaa nambar heegan ah oo u gaar ah arrimaha degdegga ah. Waxa kale oo aad nagala soo xidhiidhi kartaa webkan shirkadda qaybtiisa sheekaysiga (chattfunktion).

Caado
Haddaannu nahay shaqaalaha HadiCare AB waxannu khibrad sannado badan ah u leenahay kalkaalinta, dhacdooyinka kalkaalinta badidooduna way na soo mareen. Waxannu barannay cilmiga bulshada, aqoonta sharciyada iyo dhaqaalaha waxana aannu khibrad u leennahay dhaqammo kala duwan iyo aqoonta bulshada.